Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

  ka dib, markii uu is casilay Md. Cabdullahi Yuusuf Axmed dhamaadkii bisha Disembar, waxaa dhaqdhaqaaq siyaasadeed ka bilawday Magaalada Baydhabo oo ah Xarunta Barlamaanka DFKMGS.
 
Dhaqdhaqaaqaas waxaa uu ku wajahanyahay doorashada Madaxweynaha Cusub oo la filayo in la doorto xili dhaw, Md.
Cali Nuur Jilley oo ku abtirsada Beelaha Digilmirifle si gaar ahna looga yaqaano Deegaanada Digilmirifle waxaa uu ka midyahay musharaxiinta diyaarka u ah in ay isu soo taagaan doorashada jagada Madaxweyne - nimada.
 
Hal-ku-dhega Md. Jilley waa    ( CADAALAD & HORUMAR )

Sida uu ku soo bandhigey profile-kiisa in Soomaaliya uu u horseedi doono nabad iyo barwaaqo Ilaahay idinkiisa soona af jari doono dagaalada daba dheeraadey.

Isoo sharaxida Md. Cali Nuur Jilley ayaa faa'ido badan u yeelan karta umada Soomaaliyeed hadii uu ku guuleysto qabashada madaxweene nimada maadaama qowmiyada uu ku soo jeedo ay tahay qowmiyad nabadeed saas darteedna la dhihi karo wuxuu fure cusub u noqon karaa nabada Soomaaliya
 
 Waxaa laga codsanayaa dhamaan Bulshoweynta Digilmirifle oo ku kala nool Gudaha Dalka iyo Dibadiisi Taageeradoodi Hiil iyo Hooba ( Moral & financial Support ).
 
Mudanaha waxaa lagala soo xiriiri kara

+252-1-5558321        E-mail Address  jilleysey@yahoo.com

 

wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com