Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

suxufiyiinta gobolada Bay, Bakool iyo Gedo oo simiraan loogo soo gaba gabeeyey degmada Baardheere ee gobolka Gedo


Baardheere BDM network 25/10/2008

suxufiyiin kakala timi gobolada Bay, Bakool iyo Gedo oo maalmihi lasoodhaafey simiraan ugu socdey magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa halkaasi lagu soo gabagabeeyey.

Tababarkani  oo socday mudo 3-maalmood ah ayaa waxaa bixinaya Xubno ka socda Ururka Saxafiyiinta Qaranka Somaliyeed ee Marka Magiciisa La Soo Gaabiyo Loo Yaqaanno NUSOJ kaasi oo isagu dadaal balaaran ugu jira in uu taba baro kala duwan uu soo garsiiyo dhalinta ku howlan saxaafadda qaybeheeda kala duwan.

Tababarkani  oo ay maalgelisey Hay’adda UNESCO ayaa waxa uu ku saabsan xiriirka saxaafada iyo dhaqanka shuruucda saxaafada ee lagusoo gebagebeeyey Xarunta HIRDA ee Degmada Bardheere,ayaa waxa ka soo qeyb galay Suxufiyiin ka howlgasha Gobolada Gedo iyo Bay oo tiradoodu dhameyd ilaa iyo 35 suxufi

Waxaa tababarkaani furitaankiisii ka soo qayb galay maanta Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamuka Islaamiga Degmada Baardheere,Xubno ka tirsan Golaha Odoyasha Degmada Baardheere,Ganacasatada Deegaanka ,Ururka haweenka iyoXubno ka socdey Ururada Bulshada Rayidka ee ka dhisan degmada Bardheere,kuwaasi oo hadalo iyo kalmado kala duwan ka soo jeediyey goobtaasi waxaana ay si aada uga hadleen qiimaha saxaafaddu ay u leedahay bulshada.

 

Madaxda Xafiiska NUSOJ ee Gobolda Bay,Bakool iyo Gedo  Axmed  Cumar Saalixi  iyo Abshir Maxamed Nuur Mandeela oo halkaasi kusugnaa isla markaana casharo kabixinaayeeen ayaa  ujeedada kulanka  Suxufiyiinta Ka howl gasha Gudaha  Gobolda Bay,Bakool iyo Gedo kawarbixiyey  Axmed  Cumar Saalixi  ,wuxuuna sheegay  in ujeedada ugu weyn ee Siminaarkani loo qabtey ay tahay sidii ay ugu Dhaqmi lahaayeen Suxufiyiinta Soomaaliyeed Shuruucda Saxaafada u degsan .

Gudoomiyaha Odoyaasha Degmada Baardheere Xuseen Cali Biixi oo taba barkani ka qayb galay ayaa waxaa uu si aada u amanay taba barada kala duwan ee uu wado Ururka NUSOJ, waxana uu sidoo kale sheegay In uu si aada u soo dhowaynayo Tababarada Noocani oo kale ah ee loo qabto Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Madaxa Amanka Maamulka Islamiga Degmada Baardheere Cabdi Cali Nuur(Cabdi-deere)ayaa isna taba barkaasi ka hadlay waxaana uu si aada ugu dheeraday qiimaha ay leedahay saxaafaddu waxaana uu sheegay in ka Maamul  ahaan si wanaagsan ula shaqayn doonaan isla mar ahaantaasina ay ilaalin doonaan xuquuqda ay ku leeyihiin saxafiyiintu .

Si kastaba ha ahatee tababarkan lagu qabtey Degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo ahaa kii ugu horeeyey oo Suxufiyiin ka kala socoto Gobolada Gedo iyo Bay loo qabto, ayaa waxaa uu ahaa taba bar ay si aada u soo dhoweynayaan dhamaan bahda saxaafadda ee ka qayb qaadattay taba barkani.

Tababarkan ayaa waxaa ka qayb qaadanaya saxafiyiin ka socotey Idaacadaha Baardheere,Baydhabo,Shabelle,radioWarsan,Tvga Universal,Simba,Somaliweyn,Sahan,Codka Nabada,Horseed Media,Gedonet, ,City FM, Tv-ga ETN, Daljir, Arlaadi news, Saxafiyiin ka socdey baraha Internet-ka, saxafiyiin madaxbanaan iyo ururada dhalinyarada qaybaha warbaahinta.

 

BDM Media Network
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com