Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Baaq ku wajahan cida ku dagaalamaysa Goboladda dhexe iyo Goboladda koonfur galbeed ee Soomaalia


 

 

Golaha Malaaqyadda Salaadiinta Digilmirifle waxay aad iyo aad ugu xunyihiin ilaa 18 sano dhiiga wali micnidarida uga daadanayo Soomaaliya gudaheeda gaar ahaan kuwa waayahan dambe ka dhacaya Goboladda dhexe, Gobolka Banaadir, iyo kuwa ka socda Goboladda koonfur galbeed, gaar ahaan dhibaatadda joogtadda waayahan dambe ku soo saa’iday Magaaladda Baydhabo.

Amaan darida ku soo saa’iday magaaladda Baydhabo waa mid meel halis ah marayso bulshadda ku dhex noolna aad ayay u saamaysay ayadoo magaaladda dhexdeed la isku adeeg sanayo hubka noociisa kala duwan.

Taa waxaa u sii dheer barakac iyo jahwareer, kuwii hore ugu soo barakacayna ayagoona cid wax ugu maqan ayna jirin ee magaaladda dhax yaacaya.

Hadaba GMSDM, waxay baaqan u soo jeedinayaan cida ku dagaalamayso Soomaaliya dhexdeeda in ay xabada joojiyaan wada hadal isku soo horfadhiistaan gogashana anagaa diyaar u ah inaan Gogol dhib u heshiisiin ah u fidino walaaleheen Soomaaliyeed oo dhan wadanka gudihiisa.

Dagaal wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasha.

  

                       Gudoomiyaha Golaha GMSDM

                           Malaaq Axmed M. Yacquub

 

Golaha GMSD/M
golahamalaaqyada@yahoo.com   / gmsdm_141@yahoo.com

www.Bdigilmirifle.com